Martin Odegaard ayaa sheegay in ayna si dhayal ah u qaadan doonin guuldaradii lama filaanka ahayd ee Man City ka soo gaadhay Wolves Sabtidii waxana uu sheegay in ay Arsenal kaliya diirada saarayso natfooda ka hor kulankooda Todobaadka dambe.
Gunners ayaa kulanka Axada dambe gali doonta iyaga oo ah kooxda kaliya ee aan guuldaro la kulmin premier League lana mid ah kooxda ay jaarka yihiin ee Tottenham.
Xilli ay Arsenal guul 4/0 ah ka gaadhay Bournemouth kooxda Man City ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Wolves.
Markii la weydiiyay markii uu ogaaday in City laga badiyay ayuu yidhi isaga oo dhoolacadaynaya”Waan maqlay laakiin nafteena ayaan diirada saaraynaa”.
“Horyaalku waa adagyahay cid walbana way ka badin kartaa cid walba sidaas darteed waa in aad diyaar ahaato kulan kasta”.
“Anagu kaliya waxa aan diirada saaraynaa nafteena si aan u hubino in aan diyaar nahay kulanka todobaadka dambe”.
Related