Liverpool ayaa ganaax lacageed dusha laga saaray iyada oo xidhiidhka kubada cagta England ee FA-gu uu ku ganaaxay sabab la xidhiidha in ay maamuli kari waayeen xiddigeheeda kadib guuldaradii Tottenham.
Liverpool ayaa kaadh cas looga saaray xiddigaha Diogo Jota iyo Curtis Jones waxana ay ciyaarta ku dhamaysteen 9 xiddig.
Xidhiidhka FA-ga ayaa haatan xaqiijiyay in ay ganaax lacageed dusha ka saareen kooxda Liverpool maadama ay xakamayn waayeen xiddigohooda.
Kooxda Liverpool ayaa lagu ganaaxay lacag dhan 25 kun oo Gini kadib markii ay ku fashilmeen in ay qabtaan xiddigaha kooxda.
Liverpool ayaa haatan loo sheegay in ay bixiyaan lacagta 48 saac ee soo socota
Related