Granit Xhaka ayaa sharaxay sababtii uu uga tagay Arsenal xagaagan kuna biiray kooxda Bundesliga ka ciyaarta ee Bayer Leverkusen wuxuuna sheegay in wararka sheegaya in xaaskiisa ay saamayn ku yeelatay go’aanka aysan run ahayn.
Xhaka ayaa door muhiim ah ka ciyaaray tartanka horyaalka Premier League ee Arsenal xilli ciyaareedkii hore, waxana ay kooxdu go’aansatay in ay ku iibiso xiddiga 25 milyan oo euro.
Mikel Arteta ayaa isbadalo muhiim ah ku sameeyay khadka dhexe isaga oo doonaya in uu soo yareeyo farqiga u dhexeeya Manchester City isaga oo keenay Declan Rice isla markaana dib u qaabayn ku sameeyay kooxdiisa.
Xhaka, oo 297 kulan u saftay waqooyiga London intii u dhaxaysay 2016 iyo 2023, ayaa hadda ka hadlay ka tagistiisii Emirates.
‘Uma iman Leverkusen anigoo madax ah, laakiin sababtoo ah waxaan raadinayay tartan cusub” 31-jirka reer Switzerland ayaa u sheegay NZZ am Sonntag.
“Waxaan dareemay in waqtigii aan Arsenal joogay uu ii dhamaaday ka dib todoba sano oo aan joogay London. Waxaan halkaan u imid ciyaaryahan khibrad leh”.
“Ciyaartoyda kale waxay arkaan inaan wax ka siin karo waxa aan bartay. Taasi waa qayb ka mid ah doorkayga halkan”.
 

Related



Source link