Weeraryahanka Liverpool Cody Gakpo ayaa lagu soo waramayaa inuu wajahayo dhowr isbuuc oo uu garoomada ka maqnaanayo kadib dhaawac jilibka ah oo soo gaadhay kulankii ay Reds guuldarada kala kulantay kooxda Tottenham.
Xiddiga reer Netherlands oo dhaliyay goolka bar-baraha ee kooxdiisa laakiin waxa qaybtii dambe lagu badalay Diogo Jota.
Gakpo ayaa taako xun kala kulmay xiddiga kooxda Tottenham ee Udogie ka hor inta uuna goolka bar-baraha u dhalin kooxdiisa.
Tababaraha Reds ayaa ciyaarta kadib sheegay in uu xiddigu dhaawac halis ah soo gaadhay.
Haatan saxafiga reer Netherlands  Rik Elfrink ayaa sheegay in uu Gakpo garoomada ka maqnaan karo muddo dhawr todobaad ah.

Related



Source link