Alexis Mac Allister ayaa wajahaya ganaax uga imanaya Xidhiidhka FA-ga sabab la xidhiidha hadalo uu ku qoray baraha bulshada kadib guuldaradii 2/1 ahayd ee ka soo gaadhay Tottenham.
Liverpool ayaa guuldaro 2/1 ah kala kulantay kooxda Tottenham Kulan ka tirsanaa premier League.
Kadib ciyaarta xiddiga Liverpool ayaa muran dhaliyay xilli uu u jawaabayay xiddiga ay isku xulka yihiin ee Christian Romero.
Romero ayaa baraha bulshada ku soo qoray fariin uu ugu dabaal-dagayo guusha ay kooxdiisu ka gaadhay Liverpool.
Laakiin waxa indhaha taageerayaasha qabatay jawaabta uu siiyay xiddiga Liverpool ee Alexis Mac Allister oo muujinaysay in uu garsooruhu u hiiliyay Tottenham.
Haatan xiddiga Alexis Mac Allister ayaa wajahaya dacwad ka dhan ah fariintii uu ku soo qoray baraha bulshada.
Xiddiga reer Argentine ayaa laga yaabaa in dusha laga saaro ganaax uu sabab u yahay fariintii uu ku soo qoray baraha bulshada.

Related



Source link