Kooxda Man City ayaa sanadihii ugu dambeeyay ahayd kooxda wacdarhaa ka dhigta yurub gaar ahaan suuqa kala iibsiga.
Man City oo uu hogaamiyo Pep Guardiola ayaa sanadihii ugu dambeeyay samaysay saxiixyo badalay taariikhda kooxda kana dhigay koox ku guulaysata 3 koob xilli ciyaareed kaliya.
City ayaa la soo saxiixatay xiddigo ay ka mid yihiin Robinho, Carlos Tevez, Yaya Toure, David Silva & Sergio Aguero.
Laakiin sidoo kale waxa jira xiddigo ay Man City ku fashilantay in ay la soo saxiixato sanadihii ugu dambeeyay.
Hadaba waxaa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa xiddigo ay Man CIty ku dhawaatay saxiixooda.
Virgil van Dijk:Liverpool ayaa bangiga u jabisay si ay Virgil van Dijk ugala soo wareegto Southampton bishii January 2018 heshiis ku kacaya 75 milyan.Laakiin City ayaa sidoo kale ku jirtay tartanka saxiixa Van Dijk iyadoo guddoomiye Khaldoon Al-Mubarak uu shaaca ka qaaday inaysan diyaar u ahayn inay bixiyaan lacagta ay doonaysay Southampton.
Harry Kane:Kahor inta uusan Haaland imaan Etihad, City waxay diirada sidii ay u heli lahayd saxiixa xiddigii hore ee kooxda Tottenham Harry Kane.Kadib baacsi daba dheeraaday Man City ayaa ku fashilantay saxiixa xiddiga kadib markii ay Tottenham dalbatay lacag dhan 150 milyan oo euro.
Ronaldinho:Xagaagii 2008 waa markii ay Man City bilowday in ay ka mid noqoto kooxaha ugu awooda badan waxana ay la soo saxiixatay xiddiga Robinho laakiin bartilmaameedkooda hore ayaa ahaa Ronaldinho.Wafdi ka socda kooxda ayaa xitaa u safray Barcelona si ay wadahadalo ula yeeshaan Ronaldinho, laakiin xiddiga reer Brazil ayaa diiday mushaar waali ah.
Ryan Giggs:Halyeeyga Manchester United Ryan Giggs ayaa si fiican uga faa’ideysan lahaa kooxda ay xafiiltamaan ee City haddii ay kooxdu dhageysato Dennis Schofield, kaasoo ahaa indha indheeye hore oo Citizens ah.
Isagoo hadlayay 2013, Schofield ayaa daaha ka qaaday inuu ka tagay doorkiisii ​​City sababo la xiriira qaladka kooxda oo ahaa in ayna la soo saxiixan xiddiga markii uu 14 sano jiray.
Lionel Messi:Midowga Messi iyo Guardiola ayaan nasiib daro u rumoobin City iyada oo Al-Mubarak sheegay 2018 in ay City isku dayday in ay 3 jibaarto mushaharka xiddiga si uu u yimaado laakiin xiddiga ayaa iska diiday.
Alexis SanhezFredHarry MaguirePaul PogbaEden HazardPaulo DybalaKakaRobin van Persie

Related



Source link