Manchester United ayaa dhigtay rikoor aan loo baahnayn ka dib markii ay guuldarro 1-0 ah kala kulantay Crystal Palace.
Red Devils ayaa la ciyaartay Crystal Palace kulankii 2-aad muddo maalmo ah kadib markii ay la kulmeen Arbacadii kulan ka tirsanaa Europa League.
Man United ayaa ku fashilantay in ay ka fa’iidaysato fursadihii ay heleen taas oo keentay in ay la kulanto guuldaro kale oo horyaalka ah.Kooxda Man United ayaa ku bilaabatay sidii ugu xumayd taariikhdooda horyaalka premier League muddo aad u dheer maadama ay badiyeen kaliya 3 guul 7-dii kulan ee ugu horaysay horyaalka premier League halka laga badiyay 4 kale.
Sanadkaas Man United ayaa ku dhamaystay kaalinta 13-aad ee kala saraynta horyaalka Premier League laakiin waxa ay ku guulaysteen FA Cup-ka.

Related



Source link