Kooxda Man United ayaa guuldaro kala oo lama filaan ah kala kulantay kooxda Crystal Palace kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsnaaa horyaalka premier League.
Kulanka ayaa ahaa mid aad ugu adag kooxda Man United iyada oo Crystal Palace si fiican u difaacanaysay goolkeeda una diiday United in ay dhaliso goolka.
Dhinaca kale Man United ayaa ahayd kooxda ku fiican maamulista ciyaarta laakiin waxa ay ku dhibaatoonaysay in ay sameeyaan wax fursado ah ama ay dhaliyaan wax goolal ah.
Kooxda Crystal Palace ayaa daqiiqadii 26-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay daafaca Joachim Andersen kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Palace ku hogaaminayso.
Man United ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha laakiin Crystal Palace ayaa si waali ah u difaacatay goolkeeda.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man United ku dambayso 1/0 xilli ay Crystal Palace dhalisay goolka.
Qaybta dambe ayay Man United sii waday dadaalka ay ku doonayso goolka bar-baraha xilli ay Crystal Palace dhinaceeda sii waday daafaca ay ku ilaashanayso goolkeeda.
Waxa sidaas ku dhamatay ciyaarta oo ay Crystal Palace ku garaacday Man United kulan ka dhacay Old Trafford.

Related



Source link