Gary Neville ayaa wali qaba in Arsenal ay ku guulaysan doonto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan waxana uu dareemaya in ay ‘dhiiri galin’ ku yeelan doonaan silbashadii Manchester City sabtidii.
Kooxda Guardiola ayaa guuldaro 2/1 ah kala kulantay kooxda Wolves kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.
Gunners ayaa dhinaca kale 4/0 kaga badisay kooxda Bournemouth iyaga oo haatan kaliya hal dhibic ka dambeeya kooxsa Man City.
Neville ayaa qaba in ay kooxda Arsenal ku guulaysan doonto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Isaga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan Arsenal u saadaalinayaa ku guulaysiga horyaalka sanadkan”.
“Guuldaradii Man City waxa aan qabaa in ay Arsenal siin doonto dhiiri galin xoogan”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link