Xidhiidhka Garsoorayaasha Premier League ee PGMOL Ayaa raali galin siiyay Kooxda Liverpool kadib guuldaradii ka soo gaadhay Tottenham.
Liverpool ayaa guuldaro 2/1 ah kala kulantay Tottenham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.
Ka hor inta ayna Tottenham goolka dhalin, Liverpool ayaa laga diiday gool cadaan ah iyada oo VAR gashay khalad iyada oo si khaldan looga diiday goolka.
Kadib markii ay ciyaartu dhamaatay Xidhiidhka Garsoorayaasha Premier League ee PGMOL Ayaa raali galin siiyay Kooxda Liverpool.
Warbixin ay soo saareen Xidhiidhka Garsoorayaasha Premier League ee PGMOL Ayaa lagu yidhi”Waxa aan qiranaynaa in uu jiray khalad weyn oo Bani aadan goolkii Luis Diaz”.
“Ma ahayn in la diido goolka Luis Diaz sababta oo ah waxa uu ahaa gool sax ah”ayay sii raaciyeen.

Related



Source link