Kubada cagta waxa jira xiddigo horay uga fadhiista sababo kala duwan darteed halka ay jiraan xiddigo muddo dheer ciyaara xitaa marka ay da’ noqdaan.
Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa xiddigo wakhti hore ka fadhiistay ciyaarista kubada cagta.
1.Eric Cantona:Halyeeyga Man United ayaa ka fadhiistay ciyaaraha kubada cagta 1979 inkasta oo uu ahaa 30 jir, Laakiin sabab la xidhiidha dhibaatooyin garoonka dhexdiisa iyo dibadiisa waxana uu go’aansadya in uu isaga fadhiisto ciyaarhaa kubada cagta.
2.Zinedine Zidane:
Halyeeyga reer France ayaa ciyaaraha ka fadhiistay isaga oo jira 34 sano jir ah hadan Zidane ayaa ka fadhiistay ciyaaraha isaga oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah sanadkii 2006 kadib Final-kii koobkii addduunka kadib dhacdadii sanadkaas ee koobka adduunka.
3.Marco Van Basten:
Dhaawacyo ayaa u diiday in uu sii wato ciyaaraha kubada cagta xiddiga ku guulaystay abaalmarinta kabta dahabka ah 3 sano oo xidhiidh ah isaga oo ciyaaraha kaga fadhiistay 31 sano jir kadib markii uu ku jiray qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa.
4.Alan Shearer:Gooldhaliyaha Premier League oo dhaliyay 160 gool ayaa ciyaaraha ka fadhiistay sanadkii 2006 isaga oo 36 sano jir ah laakiin waxa uu 2000 ka fadhiistay xulka qarankiisa.

Related



Source link