Goolhayaha Arsenal Aaron Ramsdale ayaa lagula taliyay inuusan ku biirin Chelsea haddii uusan dib ugu guuleysan karin booskiisa 1-aad ee kooxda Arsenal.
Steve McManaman ayaa sheegay in xaalada ay ku jirto chelsea ay xiddigaha ka hor istaagayso in ay u dhaqaaqdo Stamford Bridge.Ramsdale ayaa booskiisa joogtada ah ee Arsenal u waayay Goolhaye David Raya kaas oo Arsenal kaga soo biiray Brentford suuqii xagaaga.
Xiddiga 52 kulan ku bilowday shaxda Arsenal ayuu haatan shaki ku jiraa mustaqbalkiisa kooxda Arsenal.
Ramsdale ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda chelsea kuwaas oo suuqa u gali doona Goolhaye cusub.
Laakiin waxa looga digay in uu ku biiro kooxda Chelsea waxana uu McManaman yidhi”“Kooxuhu xaqiiqdii waxay la socon doonaan xaalada Aaron ee Arsenal, Mikel Arteta wuxuu si cad u doonayaa tayada kaydka, sidaa darteed aad ayaan ula yaabi doonaa haddii uu u ogolaado Aaron inuu kooxda ka tago, laakiin lama yaabi doono hadii ay kooxo horayba ula soo xidhiidheen, kuwaas oo xiiseynaya saxiixiisa sababtoo ah Aaron wuxuu doonayaa inuu ciyaaro usbuuc kasta, wuxuuna doonayaa inuu u ciyaaro England tartanka Euro 2024″.
McManaman ayaa intaa ku daray: “Miyuu u dhaqaaqi karaa Chelsea? Wax fikrad ah uma hayo waxa ka socda Chelsea.
“Hadii aan Aaron ahaan lahaa uma dhaqaaqeen chelsea haatan sababta oo ah ma garanayo waxa ka dhacaya kooxdaas”.

Related



Source link