Kooxda Tottenham ayaa sii wada qaab ciyaareedkeeda cajiibka ah waxana ay garaacday Liverpool kulan xiiso lahaa oo ka tirsnaaa horyaalka premier League.
Liverpool ayaa ahayd kooxda fiican bilowgii ciyaarta iyaga oo ka fiicnaa kooxda Tottenham isla markaas sameeyay fursado aan kala joogsi lahayn.
Laakiin Liverpool yay wax walba ka xumaadeen kadib markii daqiiqadii 26-aad kaadhka cas ee tooska ah looga taagay xiddiga khadka dhexe ee Curtis Jones kaas oo kooxdiisa kaga tagay 10 xiddig.
Wixii intaas ka dambeeyay Tottenham ayaa ahayd kooxda fiican iyaga oo ka awood badnaa Liverpool kana faa’iidaysanaya xiddiga ay dheeryihiin.
Daqiiqadii 36-aad ayay Tottenham dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Son Heung-Min kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Inkasta oo ay 10 xiddig ahayd hadana Liverpool ayaan ka quusan in ay ciyaarta ku soo laabato waxana ay bilaabeen in ay weeraraan Tottenham.
Daqiiqadii 45-aad ayay Liverpool dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Cody Gakpo kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 ay labada kooxood bar-baro ku yihiin.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Labada kooxood bar-baro yihiin laakiin Tottenham tahay kooxda ka fiican 10 xiddig oo Liverpool ah.
Qaybtii dambe ayay Tottenham sii ahayd kooxda fiican xilli ay Liverpool dhinaceeda fursado goos-goos ah helayso.
Liverpool ayuu xaalku ku xumaaday daqiqiadii 69-aad kadib markii kaadhka cas looga taagay xiddiga Diogo Jota kaas kooxdiisa kaga tagay 9 xiddig.
Liverpool ayaa si fican u difaacatay goolka bar-baraha iyaga oo doonayay in ay halka dhibic ilaashadaan.
Laakiin daqiiqadii 96-aad ayay Tottenham heshay goolka guusha waxana si khaldan isaga dhaliyay xiddiga Joel Matip oo kooxdiisa qalbiga ka jabiyay.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Tottenham garaacday 9 xiddig oo Liverpool ah

Related



Source link