Liverpool ayaa si sahlan dib ugu soo laaban karta tartanka horyaalka Premier hadii ay xaliso dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ka hor istaagaya in ay la tartanto Man City.
Reds ayaa qaab ciyaareed fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League iyaga oo haatan kaliya 2 dhibcood u jira kooxda Pep Guardiola kadib lix kulan oo ay ciyaareen.
Liverpool ayaan wali dhadhamin guuldarooyinka tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan iyaga oo dhibco badan ka qaatay inta badan markii looga hor maray gool kulamada ay ciyaartay.
Waxa ay ka soo laabteen gool looga hor maray dhamaan kulamada ay ciyaartay xilli ciyaareedkan marka laga reebo kulankii West Ham ee premier League.
Kooxda Klopp ayaa dhalisay 6 gool laakiin waxa laga dhaliyay 7 gool qaybta hore ee ciyaarta xilli ciyaareedkan taas oo muujinaysa dhibaato ay wajahdo bilowga kulamada xilli ciyaareedkan.
Michael Owen ayaa u sheegay kooxdiisii hore in ay joojiyaan sida aadka u hoosaysa ee ay ku bilaabanayaan Kulamada xilli ciyaareedkan.
Michael Owen ayaa u sheegay Liverpool in ay ku guulaysan karaan horyaalka hadii ay joojiyaan sida xun ee ay ku bilaabanayso kulamada xilli ciyaareedkan.
“Liverpool waxa looga hor maray goolal dhamaan kulamada xilli ciyaareedkan taasina waxa ay dhibaato ku noqonaysaa kooxda”.
“Way fiicantahay in ay ku soo laabato kulamada marka looga hor maray laakiin kulan walba awood uma yeelan kartid in aad soo laabasho samaysid”.
“Liverpool waa in ay iska xaliso dhibaatadaas hadii ay doonayso in ay ku tartanto horyaalka premier League”.

Related



Source link