Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay soo gabagabeyso heshiis kordhinta Frenkie de Jong bisha January.
Xiddiga 26 jirka ah ayay 26 sano uga dhiman tahay heshiiskiisa haatan ee kooxda laakiin kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga.
De Jong ayaa muhiim ka ah kooxda xilli ciyaareedkan isaga oo ciyaaray 7 kulan laakiin waxa uu dhaawac ku seegay kulankii Mallorca.
Xiddiga reer Netherlands ayaa la filayaa in uu garoomada ka maqnaado muddo 6 todobaad ah sabab la xidhiidha dhaawac soo gaadhay kulankii Celta Vigo.
Xiddiga ayaa lala xidhiidhinayay kooxda Man United waxana la filayaa in uu Ten Hag mar kale isku dayo saxiixa xiddiga xagaaga dambe.
Lakiin Barcelona ayaa doonaysa in ay sii haysato xiddiga waxana ay haatanba wadahadalo la furtay wakiilkiisa si ay heshiis cusub uga saxiixato xiddiga suuqa January.

Related



Source link