Xiddigii hore ee kooxda Tottenham Jamie O’Hara ayaa soo saaray shaxdiisa isku dhafka ah ee labada kooxood ee Liverpool iyo Tottenham kulankooda premier League.
Labada kooxood ayaa isaga hor iman doona kulan adag oo horyaalka premier League ah kana tirsan todobaadkii 7-aad ee horyaalka.
Jamie O’Hara ayaa dhaliyay muran kadib markii uu shaxdiisa isku dhafka ah ka reebay Xiddigaha Andy Robertson iyo waliba Virgil Van Dijk.
Kooxda Liverpool ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 6 xiddig kadib markii ay si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedka.
Dhinaca kale kooxda Tottenham ayaa shaxda ku leh 5 xiddig laakiin waxa muran badan dhalisay in uu shaxdiisa ka reebay xiddigaha Andy Robertson Iyo Virgil Van Dijk.
Related