Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Ryan Gravenberch ayaa dhawaan sheegay inuu jeclaan lahaa inuu keeno Anfield daafaca ay isku dalka yihiin iyo Arsenal Jurrien Timber hadii fursad la siiyo.
Timber ayaa Gunners kaga soo biiray Ajax aduun dhan 40 milyan oo euro xagaagan. Waxa uu laba kulan ka soo muuqday tartamada xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu dhaawac ka soo gaadhay jilibka daqiiqadihii ugu horeeyay ee kulankiisii ugu horeeyay ee Premier League ee Nottingham Forest.
Daafaca ayaa aatan garomada ka maqnaan doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kadib dhaawaca soo gaadhay oo ah mid halis ah.
Gravenberch ayaa dhinaca kale ku soo biiray Liverpool suuqii xagaaga waxana uu Liverpool kula midoobay xiddigaha ay isku xulka yihiin ee Van Dijk iyo Gakpo.
Xiddiga khadka dhexe ee Gravenberch ayaa la waydiiyay su’aal ah xiddiga uu keeni lahaa Liverpool waxana uu ku jawaabay”Waxa aan keeni lahaa saaxiib dhaw oo aan leeyahay waana Jurrien Timber”.
“Waxa aan ka garab ciyaarayay noloshayda oo dhan, Waxa uu iila dhigan yahay Walaalkay oo kale”ayuu Hadalkiisa sii raaciyay.

Related



Source link