Trent Alexander-Arnold ayaa ku soo laabtay tababarka buuxa ka dib dhaawac uu ka soo kabsaday waxaana lagu wadaa inuu ciyaaro kulanka weyn ee Liverpool ee Tottenham, sida uu sheegay Jurgen Klopp.
Liverpool ayaa u safri doonta woqooyiga London fiidnimada sabtida kulankaas oo noqon doona kulan xamaasad leh oo u dhexeeya laba ka mid ah kooxaha ugu qaab ciyaareedka fiican Premier League.
Labada kooxood ayaa guuldarro la’aan ah lixdii kulan ee ay ciyaareen, waxayna ka mid yihiin gooldhaliyeyaasha ugu sarreeya horyaalka, iyadoo Reds ay ku jirto kaalinta labaad ee kala sarreynta, iyadoo labo dhibcood oo keliya ka sarreysa Spurs.
Kooxda Klopp ayaa inta badan bilaa dhaawac ahayd xilli ciyaareedkan inkasta oo ay dhaawac ku wayday kabtan ku xigeenkeeda muddo bil ah.
Daafaca midig ayuu dhaawac ka soo gaaray bowdada, laakiin horraantii isbuucaan tababarihiisa ayaa daaha ka qaaday inuu tababar fudud la sameeyay kooxda koowaad, waxayna u muuqataa inuu haatan soo laabtay oo uu diyaar u yahay inuu ciyaaro.
“Trent waxa uu u tababartay si caadi ah shalay”ayuu klopp yidhi.
“Maantana si caadi ah ayuu u tababartay laakiin waa in aan go’aan qaadano, anigu dhakhtar ma ihi laakiin waxay u muuqataa in uu kooxda ka qayb ahaan doono”.

Related



Source link