Tababaraha kooxda Tottenham Hotspur Ange Postecoglou ayaa qirtay in Son Heung-min iyo James Maddison ay seegi karaan kulanka ay la ciyaari doonaan Liverpool Sabtida.
Son ayaa dhaawac looga saaray kulankii North London Derby ee todobaadkii hore halka Maddison uu ka dhaawacmay jilibka.
Waxa jirta wal-wal laga qabo in uu Maddison seego kulanka marka la eego in uu dhaawaciisu yahay mid ka halisan midka Son.
Maddison iyo Son ayaa tababar la qaatay xiddigaha ay isku kooxda yihiin jimichii laakiin tababaraha kooxda ayaa sheegay in uuna hubin taam ahaanshaha labada xiddig.
“Maddison iyo Son way tababarteen maanta laakiin aan aragno sida ay noqdaan tababarka kadib”.
“Labadooduba waxa ay ku dhibaatoonayaan dhaawacyo sidaas darteed waxa aan qiimayn doonaa xaaladooda”.

Related



Source link