Xilli ciyaareedka yaa maraya meel xiiso leh iyada oo horyaalada reer yurub si aad u xamaasad leh ku bilowdeen.
5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub ayaa si weyn loogu raaxaystay ilaa haatan xilli ciyaareedka.
Horyaaladaas ayaa laga dhaliyay goolal aad u badan oo ay dhaliyeen kooxaha kala duwan ee reer yurub.
Laakiin waxa jira kooxo gaar ah kuwaas oo dhaliyay goolasha ugu badan ilaa haatan xilli ciyaareedka.
Kooxaha Barcelona, Bayern Munich iyo Brighton ayaa ah kooxaha ilaa hataan horyaalada ugu waaweyn ka dhaliyay goolasha ugu badan iyaga oo dhaliyay min 18 gool.
Waxa ku xiga Kooxaha Bayer Leverkusen iyo Stuttgrat kuwaas oo dhaliyay min 7 gool ilaa haatan xilli ciyaareedkan waxana ku xigta Man City oo dhalisay 16 gool.
Related