Jamie Carragher ayaa sharaxay sababta ay kooxaha Arsenal,Chelsea iyo Liverpool u go’aansadeen in ayna la soo wareegin xiddiga kooxda Tottenham ee James Maddison.
Maddison ayaa 40 milyan ugu biiray Tottenham xagaagii kadib markii ay Leicester City ka hadhay horyaalka premier League.
Xiddiga reer England ayaa lala xidhiidhinayay kooxo badan oo waaweyn ka hor intii uuna ku biirin kooxda Tottenham.
Carragher ayaa hadda sharraxaad ka bixiyay Sababta uu u arko in ay kooxaha waaweyn isaga diideen saxiixa xiddiga”Tuhunkaygu waa in Pep Guardiola, Jurgen Klopp, Mikel Arteta iyo Mauricio Pochettino ay eegeen tayada Maddison”.
“Klopp iyo Guardiola waxa ay xiddigohooda ka filayaa in ay qaataan masuuliyado kala duwan”.
“Maddison ma ahan xiddigo orod badan, mana ahan xiddig samayn kara cadaadis marka ay ciyaartu adagtahay”.
Related