Chelsea ayaa looga digay in ay ku dhici karaan xaalad La mid ah Midii Mohamed Salah iyo Kevin De Bruyne hadii ay iibiyaan xiddiga Mykhailo Mudryk.
Mudryk ayaa Blues kaga soo biiray Shakhtar Donetsk bishii January iyaga oo kula soo wareegay lacag dhan 88.5 milyan laakiin waxa uu ku dhibaatooday kooxda.
Xiddiga 23 jirka ah ayaa wali sugaya goolkiisii ugu horeeyay ee kooxda inkasta oo uu ciyaaray 23 kulan tartamada oo dhan.
Laakiin halyeyga Chelsea ee Pat Nevin ayaa ku qanacsan in xiddiga reer Ukraine uu leeyahay tayada uu ku noqon karo ciyaartoy sare.
Mudryk, oo hadda xiran funaanada No.10, ayaa helay sacab aad u badan markii lagu bedelay Raheem Sterling daqiiqadii 68-aad ee ciyaartii ugu dambeysay ee Brighton.
Qaab ciyaareedkii uu soo bandhigay ayaa Nevin ku qanciyay in uu Mudryk bar-bar dhigo xiddigaha Salah iyo De Bruyne isla markaas dib u dhiso xirfadiisa.
Waxana uu chelsea u sheegay in ay u samraan xiddiga isla markaas ayna galin khaladkii ay galeen markii ay iska iibiyeen Salah iyo De Bruye.
“Mykhailo Mudryk waa xiddig cajiib ah, wuuna fiicnaan doonaa – Chelsea waa in ay iska ilaaliso wixii ay samaysay Salah iyo De Bruyne”
“Waxaa jirta sabab ay Arsenal u doonaysay Mudryk – waa ciyaartoy cajiib ah, orodkiisu waa mid aad u dheeraynaya waxana uu leeyahay xirfad”

Related



Source link