Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa shaaca ka qaaday in ilaa 4 xiddig oo muhiim ah ay ka maqnaan karaan Gunners kulanka Bournemouth todobaadkan.
Kooxda waqooyiga London ka dhisan ayaa haatan wajahaysa dhibaato dhaawac iyadoo xiddigo magac leh aan la tababarin saaxiibadooda kale sida ay wax u socdaan.
Arteta ayaa sheegay in xiddigaha Leandro Trossard, Gabriel Martinelli, Saka iyo Rice ay ka maqnaan karaan kulanka Bournemouth.
“Rice wali tababar lama qaadan kooxda waxa aan eegi doonaa tababarada soo socda saacado kadib”ayuu Yidhi
“Martinelli wali ma tababaran sidoo kale, Trossard waa la mid, Saka waxa uu la mid yahay xaaladaas”ayuu Arteta sii raaciyay.
Xaalada dhaawac ee Arsenal ayaa sii xumaan karta iyada oo Arteta sheegay in ay xiddigaha William Saliba & Fabio Vieira sidoo kale seegi karaan kulanka.

Related



Source link