Halyeeyga kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa sheegay in ay u dhaqaaqista Arsenal ee saxiixa Ivan Toney ay muhiim u tahay tartankooda horyaalka Premier League.
Kooxda Arsenal ayaa ku dhibaatoonaysa dhinaca weerarka xilli ciyaareedkan iyada oo xiddigaha Gabriel Jesus iyo Nketiah la kulmeen dhaleecayn xoogan kadib fursado ay khasaariyeen.
Merson ayaa aaminsan in ay kooxda Arsenal u baahantahay weeraryahan ka caawin kara in ay dhaliyaan goolal xilli ciyaareedka horyaalka premier League.
“Ma jiraan weeraryahano badan oo la heli karo suuqa January”ayuu Merson yidhi.
“Xiddiga ay u baahanyihiin waa Ivan Toney kaas oo ka caawin kara ku guulaysiga horyaalka xilli ciyaareedkan”.
“Waxa ay u baahanyihiin weeraryahan dhalin kara 20 ilaa 30 gool xilli ciyaareedkii si aad ugu guulaysato horyaalka”ayuu sii raaciyay.
Related