Tababarihii hore ee kooxda koowaad ee Real Madrid, Zinedine Zidane, ayaa maalmo ka hor diiday dalab uu dib ugu soo laabanayo  tababarka.
Zidane ma uusan laylin wax koox  ah ka dib markii uu ka tagay Real Madrid xagaagii 2021, inkastoo magaciisa lagu xiriiriyo wax ka badan hal meel, sida xulka qaranka Faransiiska iyo kooxda Sacuudiga ee Al Hilal.
Sida laga soo xigtay wargeyska  Mundo Deportivo, Zidane ayaa bartilmaameed u ahaa Marseille, taasoo ku taal magaalada uu ku dhashay tababaraha iyo halyeeyga Faransiiska.
Zidane ayaa la xusay in uusan ku qancin mashruuca kooxdaas oo uu aaminsan yahay in sanado qaadaneyso in dib loo hagaajiyo

Sidaas oo ay tahay , ilo wareedyo gaar ah ayaa sheegaya in Zidane u bada tahay in uu ogalaado horyaalka Sacuudiga marka la eego qiimaha lacageed ee uu ka helayo halkaas

Related



Source link