Sky Sports ayaa daaha ka qaaday in Real Madrid ay ku dhowdahay inay go’aansato inay qandaraaska u kordhiso xiddiga khadka dhexe ee kooxda koowaad Eduardo Camavinga.
Qandaraaska Camavinga ee Real Madrid wuxuu dhacayaa 4 sano kadib June 30, 2027, laakiin kooxda reer Spain ayaa dooneysa in xiddiga reer France uu sii joogo sanado badan.
Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano,qandaraaska cusub waxaa ku jiri doona mushaar sare iyo in sare loo qaado qiimaha lagu bur burin karo hishiiskiisa.
Kalsooni weyn ayaa laga qabaa awooda Camavinga ee gudaha Real Madrid, waana midda keeneysa in hishiis cusub lagu abaal mariyo .
Camavinga ayaa ayaa boosas kala duwan uga ciyaara Real mar garab , mar dhexe daafac iyo marna qadka dhexe , waxa uuna Real u yimid xagaagii 2021-dii
Related