Real Madrid ayaa u aqoonsatay Tababarhaa Brighton Roberto De Zerbi musharaxa ugu sarreeya si uu u bedelo Carlo Ancelotti xagaaga soo socda, sida ay wararku sheegayaan.
Los Blancos ayaa baadi goob ugu jirtay tababare cusub kadib markii lagu dhawaaqay in Ancelotti uu soo afjari doono waayihiisa labaad ee kooxda La Liga dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Tababarihii hore ee Chelsea iyo Everton ayaa lagu wadaa inuu la wareego xulka qaranka Brazil bisha June ee soo socota, iyadoo ay dhawr toddobaad ka harsan yihiin bilowga Copa America 2024-ka.
Ancelotti ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu arko xiddig hore oo Real ah ee Xabi Alonso uu qabto shaqada tababaranimo ee kooxda.
Laakiin sida laga soo xigtay Cadena kooxda Real Madrid ayaa doonaysa in uu Tababaraha Brighton ee De Zerbi noqdo tababaraha Kooxda.

Related



Source link