Tababaraha kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Newcastle kulan ka tirsanaa Carabao cup-ka.
Man City ayaa laga reebay tartanka Carabao cup-ka kadib markii ay guuldaro kala kulmeen kooxda Newcastle wareegii 3-aad ee tartanka.
Guardiola oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Ugu horayn waan in aan u Hambalyayno Newcastle guusha iyo in ay u gudbeen wareega xiga, kulanka maanu soo bandhigin qaab ciyaareedkii nalooga bartay si fiicana umaanan ciyaarin”.
“Haatan waxa aan diirada saari doonaa in aan horay u socono, waxa aan ka qayb galaynaa tartamo kale waanan u dagaalami doona”.
Kooxda Man City ayaa isku diyaarinaysa kulamo adag oo ay ciyaari doonto tartamada oo dhan wakhtiga soo socda.
Related