Milkiilayaasha Liverpool Fenway Sports Group ayaa ugu dambeyntii ku guuleystay inay xaqiijiyaan iibka kooxda oo ay iibiyeen qayb ka mid ah kooxda.
Si kasta ha ahaatee Klopp ayaan awood u yeelan doonin in uu helo lacag uu ku xoojiyo kooxda suuqa January.
Sida laga soo xigtay Liverpool Echo, saami yar oo kooxda ah ayaa laga iibiyay shirkada Mareykanka Dynasty Equity.
Saamiga laga iibiyay Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in uu yahay 164 milyan oo euro laakiin lacagtaas ayaan loo istcimaali doonin suuqa kala iibsiga.
“Ka Go’naanshaha Kooxda ee mustaqbalka fog ayaa ah mid wali aad u xoogan”ayuu yidhi madaxweynaha FSG Mike Gordon.
“Waxaan had iyo jeer sheegnaa in haddii uu jiro lammaane maalgashi oo ku habboon Liverpool markaa waxaan raadin doonnaa fursadda aan ku caawineyno xaqiijinta kooxda si aan u dajino mustaqbalka dhaqaalaha ee kooxda”.

Related



Source link