Halyeeyga Liverpool Steve McManaman ayaa aaminsan in xiddiga West Ham Jarrod Bowen uu awood u leeyahay inuu bedelo Mohamed Salah marka uu go’aansado inuu ka tago kooxda.
Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa horey loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Anfield, waxaana laga yaabaa inuu noqdo bartilmaameed u noqdo kooxda Liverpool bilaha soo socda.
Salah ayaa si weyn loola xiriirinayay inuu ka tagayo Merseyside iyada oo lala xidhiidhinayay horyaalka sucuudiga.
Si kasta ha ahaatee Reds ayaa diiday in ay xiddiga Salah u ogolaato in uu ka tago kooxda suuqii xagaaga ee La soo dhaafay.
Liverpool ayaa haatan isku diyaarinaysa bixitanka xiddiga waxana ay haatanba calaamadsatay xiddiga ay u aragto badalkiisa.
Bowen waa ciyaaryahan ay horay u bartilmaameedsatay Reds, waxaana ciyaaryahanka reer England uu helay kalsoonida halyeeyga Liverpool ee McManaman.
Mar Betfred ay weydiisay in 26-jirka uu awood u leeyahay inuu bedelo Salah, wuxuu yiri:”Ma arko sabab uuna u badali karin, waxa uu u muuqday mid halis ku ah Liverpool todobaadkii hore”.
“Dhibaatooyin badan ayuu u geystay Liverpool laakiin ma ogid inay jeclaan lahaayeen inay magac weyn la saxiixdaan haddii ay waayaan Salah iyo marka aad tixgeliso lacagta ay u heli doonaan Mohamed Salah”.
“Si kastaba ha ahaatee, waxaan aaminsanahay in Jarrod Bowen uu si fudud u noqon karo badalka Mohamed Salah”.

Related



Source link