Halyeeyga France reer ee Frank Leboeuf ayaa aaminsan in Liverpool iyo Chelsea aysan awoodi doonin saxiixa Kylian Mbappe hadii uu ka tago kooxda PSG.
Laacibkii hore ee kubada cagta ayaa dareensan in Manchester City iyo Bayern Munich ay yihiin meelaha ugu fiican ee uu isaga tagi karo hadii Real Madrid ay ku guuldareysato saxiixiisa.
Mustaqbalka Mbappe ee kooxda Paris Saint-Germain ayuu shaki ku jiray suuqii xagaaga isaga oo diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda reer France.
Xiddiga reer france ayaa lala xidhiidhinayay kooxo badan oo ay ka mid yihiin Real Madrid iyo waliba kooxda Al-Hilal.
Leboeuf ayaa rumaysan in ay kooxaha Man City ama Bayern Munich yihiin labada kooxood ee u dhaqaaqi kara saxiixa xiddiga hadii uu Mbappe go’aasado in uu iska diido Real Madrid.
“Manchester City ama Bayern Munich waxay u dhaqaaqi karaan Mbappe, laakiin waxaan filayaa in labadaas kooxood ay horeba u haystaan ​​ciyaartoy waa wayn”.
“Waxaan qabaa in Liverpool ay noqon karto dookh, laakiin ma hubo in Mbappe uu doonayo inuu halkaas ku noolaado”.
“Aan xaqiiqo ka hadlano Chelsea aan ahayn koox sare wakhti xaadirkan sidaas darteed Mabppe ma iman doono koox sidaas oo kale ah”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link