Tababaraha kooxda Barcelona Xavi Hernandez ayaa sharaxaad ka bixiyay sababihii ay bar-baraha la galeen kooxda Real Mallorca Kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.
Isaga oo la hadlay saxafada kadib ciyaarta ayuu Xavi yidhi”Sababta barbaraha waa qaladaadka shaqsi ee aan mar walba galno, waxaan leenahay qaladaad gaar ah, waana inaan diirada saarnaa inta lagu jiro ciyaaraha soo socda.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Waxaa jirta daciifnimo, ha ahaato kulanka Celta Vigo ama kulanka maanta, taas ayaan samaynay xilli ciyaareedkii hore, waa in aan taas joojino”
“Waxa uu sharaxay: “Labada qalad ee aan ayaa saameyn weyn ku yeeshay kulanka maanta, ma siin karno kooxaha ka soo horjeeda hadiyado noocaas ah, sanadkii hore aad ayaan ugu xooganeynay dhanka daafaca”.
Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan abuurnaa fursado, laakiin wax badan ayaa laga qaban karaa dhanka weerarka, laakiin dhinaca kale waxaa nalaga dhaliyay goolal badan, taas ayaana ah dhibka maanta jira, waa inaan diirada saarnaa oo is abaabulnaa.”

Related



Source link