Agaasimaha Arsenal Edu ayaa lagu soo waramayaa inuu wadahadalo la yeeshay wakiilka weeraryahanka Aston Villa Ollie Watkins ka hor inta uusan u dhaqaaqin Emirates suuqa January.
Xiddiga 27 jirka ah ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa waxana uu dhaliyay 15 gool xilli ciyaareedkii hore.
Watkins ayaa ku biiray Aston Villa isaga oo kaga soo biiray kooxda Brentford sanadkii 2020 waxana uu ilaa wakhtigaas dhaliyay 47 gool 127 kulan.
Weeraryahanka ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee yurub ciyaaray khamiistii hore iyada oo kooxdiisu ciyaartay tartanka Europa Conference League.
Sida laga soo xigtay FootballTransfers, Agaasimaha ciyaaraha kooxda Arsenal ee Edu ayaa wadahadalo Rasmi ah la furay wakiilada xiddiga si uu ugu qanciyo in uu xiddigu u dhaqaaqo Emirates suuqa janaury.
Arsenal ayaa la filayaa in ay weeraryahan cusub u dhaqaaqdo suuqa January xilli ay bilowga xilli ciyaareedkan ku dhibaatoonayso dhinaca weerarka.

Related



Source link