Chelsea Iyo Arsenal Oo War Xun Ka Helay baacsiga ay ugu jiraan saxiixa xiddiga Ollie Watkins kaas oo ay doonayeen saxiixiisa.
Xiddiga Ollie Watkins ayaa ku dhaw in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Aston Villa iyada oo kooxdu doonayso in ay sii haysato xiddiga.
Kooxaha Arsenal iyo chelsea ayaa xiiso u qaba saxiixa xiddiga reer England kaas oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan weerarka kooxda.
27-sano jirkaan ayaa dhaliyay 16 gool tartamada oo dhan Villa xilli ciyaareedkii hore, oo ay ku jiraan 15 gool oo Premier League ah, halka uu dhaliyay afar gool sagaal kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan.
Sida laga soo xigtay talkSPORT, xiddiga reer England ayaa ku dhaw in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Aston Villa.

Related



Source link