Arsenal ayaa awooday inay la soo wareegto Declan Rice xagaagan iyadoo aan wax tartan ah kala kulmin Chelsea, inkastoo ay muddo dheer xiiseynayeen xiddiga.
Frank Lampard iyo Graham Potter labaduba waxay rabeen inay dib ugu soo celiyaan Stamford Bridge kabtankii hore ee West Ham kadib markii uu kooxda ka tagay markii uu da’yarka ahaa.
Rice ayaa noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican khadka dhexe isaga oo kooxdiisa West Ham ka caawiyay guulo badan waxana ay u muuqatay in ay chelsea ku guulaysanayso saxiixiisa.
Sida laga soo xigtay The Telegraph, si kastaba ha ahaatee, inkastoo ay diyaar u ahaayeen in ay xiddiga ka saxiixdaan heshiis wakhti fog ah hadana maamulka Blues ayaa aaminsanaa in ay West Ham dalbanayso cashuurta xiddigaha u dhashay dalka UK.
Sidaas darteed kooxda chelsea ayaa ugu dambayn go’aansatay in ayna u dhaqaaqin saxiixa xiddiga reer England.

Related



Source link