Sofyan Amrabat ayaa laga yaabaa inuu u safto Old Trafford kulankiisii ​​​​ugu horeysay ee Manchester United kulanka Crystal Palace ee Carabao cup-ka kadib markii uu badal ku soo galay kulankii Burnley ee premier League.
Laakiin waxa soo baxay warar sheegaya in xiddiga reer Morocco uu aad ugu dhawaaday in uu ku biiro kooda Liverpool suuqii xagaaga.
Xiisihii Liverpool ee Amrabat ayaan ahayn mid qarsoon iyada oo lagu soo waramayo in uu Klopp si shaqsi ah ula hadlay xiddiga 27 jirka ah si uu ugu qanciyo ku biirista Liverpools i uu ugu badalo booska Jordan Henderson, Fabinho iyo James Milner.
Liverpool iyo Klopp ayaa si aad ah u doonaya saxiixa xiddiga ka hor inta ayna daqiiqadihii ugu dambeeyay la saxiixan xiddiga Ryan Gravenberch.
Dhibaatada ayaa ahayd in wakiilada Ambrata ay joojiyeen wadahadalada waxana ay ahayd wakhtigaas markii ay Liverpool ku laabatay saxiixa Ryan Gravenberch.
Ugu dambayn Amrabat ayaa heshiis amaah ah ugu soo biiray kooxda Man United waxana uu la midoobay tababare Ten Hag.

Related



Source link