Mauricio Pochettino ayaa shaaca ka qaaday in ku soo laabashada xiddiga Mykhailo Mudryk ee shaxda chelsea ay sabab u tahay in uu xiddiga Ben Chilwell waayo booskiisa kooxda kulamadii ugu dambeeyay.
Xiddiga 26 jirka ah ayaa u muuqdya mid boos joogto ah ka helaya kooxda chelsea xilli ciyaareedkan markii lagu daray hogaamiyayaasha kooxda.
Laakiin sabab la xidhiidha in uu Pochettino doonayo orodka badan ee Mudryk waxa ay keentay in uu Chilwell kaydka u dhaadhaco isla markaas Levi Colwill ka ciyaaro daafaca 3-da ah.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay Levi iyo sida uu u ciyaarayo, waxa oo kooxda ku soo kordhinayaa isku dheelitirnaan”ayuu Pochettino yidhi.
“Kama ciyaarsiinayno booskiisa ugu fiican, sababta oo ah ma ahan xiddig garabka ah”ayuu ku jawaabay markii la waydiiyay sababta uuna u ciyaarsiin Chilwell.
“Waa sababta marka aan garabka ugu bilowno Mudryk, Mar walba waxa aan doonaa in aan Levi ka ciyaarsiino daafaca”.

Related



Source link