Daafaca midig ee kooxda Liverpool Trent Alexander-Arnold ayaa ku soo laabtay tababarka kooxda 1-aad isaga oo ka soo kabanaya dhaawac muruqa ah.
Kabtan ku xigeenka Kooxda Liverpool ayaa dhaawac kaga maqnaa kooxdiisa tan ilaa bilowgii bisha September.
Alexander-Arnold ayaa lagu qasbay in laga saaro xulka England kulamadii Ukraine iyo Scotland, halka uu sidoo kale seegay kulamadii Liverpool ee Wolverhampton Wanderers, LASK Linz iyo West Ham United labadii todobaad ee la soo dhaafay.
Si kastaba ha ahaatee, 24-sano jirkaan ayaa ku guuleystay inuu ka fogaado dhaawac halis ah, kaaliyaha Jurgen Klopp ee Pep Lijnders ayaa daaha ka qaaday in Alexander-Arnold uu haatan ka qeyb qaadanayo tababarka kooxda.
Warkan ayaa ah mid u fiican kooxda Liverpool marka la eego in ay Liverpool la ciyaari doonto Tottenham Todobaadka dambe.

Related



Source link