Isagoo ka hadlayay Sky Sports isbuucaan, Gary Neville wuxuu yiri: “Arsenal, waxaan qabaa, in ay ku guulaysan karaan premier League xilli ciyaareedkan taas oo ah saadaalin cajiib ah”.
“Waxan qabaa in ay fursad haystaan, waxa ay joojiyeen goolashii laga dhalinayay sidoo kale waxa goolkooda lagu laagay kaliya 10 laad ilaa haatan xilli ciyaareedkan ka hor kulankii Tottenham”.
“Waxay ila tahay in saxiixa David Raya uu yahay qorshe cajiib ah, waxa aan qabaa in uu qaatay go’aan cajiib ah”.
Arsenal ayaa bar-baro 2/2 ah la gashay kooxda Tottenham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kaas oo ka dhacay Emirates.
Gunners ayaa xilli ciyaareedkii hore kaalinta 2-aad kaga dhamaystay horyalka premier League xilli ciyaareedkii hore.
Related