Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa ka warbixiyay dhaawaca shan ciyaartoy oo muhiim ah ka hor kulanka EFL Cup ee ay Arbacada la ciyaarayaan Brentford.
Gunners ayaa bilaabi doonta raadinta koobkeedii seddexaad ee EFL Cup – iyo markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedkii 1992-93 – markaasoo ay ku wajihi doonaan kooxda Brentford kulan ka dhici doona Gtech Community Stadium.
Wiilasha Arteta ayaa guuldarro ka soo gaartay Brighton & Hove Albion wareegii seddexaad ee sanadkii hore, laakiin waxay kulanka galayaan iyaga oo bilaa guuldaro ah tartamada oo dhan.
Xiddigaha Declan Rice & Bukayo Saka ayaa ku dhaawacmay kulankii Tottenham ee horyaalka pemier League.
Arteta oo ka hadlaya Dhaawaca Rice ayaa yidhi”Wali tababar ma qaadan, wuu sii wadan kari wayaay ciyaarta, waxa uu dareemay raaxo la’aan, waxan rajaynayaa in uuna dhaawaciisu noqon mid halis ah”.
Arteta oo ka hadlaya xaaalada Saka ayaa yidhi”Waxa uu dareemay xanuun kulankii Tottenham walina wax tababar ah ma qaadan”.

Related



Source link