Paul Merson ayaa aaminsan in Arsenal ay u baahan tahay weeraryahan dhexe oo sax ah maadaama Gabriel Jesus iyo Eddie Nketiah aysan ka caawin karin ku guuleysiga horyaalka Premier League.
Mikel Arteta ayaa kusoo wada bilaabay Jesus iyo Nektiah markii ugu horeysay kulanka North London Derby ee ay la ciyaarayaan Tottenham.
Si kastaba ha ahaatee, labada weeraryahan ayaa lumiyay fursad dahabi ah oo ay goolal ku dhalin kareen iyadoo Gunners bar-baro 2/2 ah ku gashay Emirates.
Merson ayaa la wadaaga walaaca Sky Sport waxana uu yidhi”Mar walba waxaan dhihi jiray laga bilaabo maalintii koowaad – Eddie Nketiah kuma guuleysan doono Premier League”.
Waxaad u baahan tahay weeraryahan sax ah, Ma eedeynayo Nketiah sababtoo ah waxay barbardhac 2-2 ah la galeen Tottenham”.
“Laakiin iyada oo 32 kulan hadheen sidoo kale la ciyaari doono champions Legaue oo dhan uma malaynayo in Gabriel Jesus iyo Nketiah uu heer kale u qaadi doono kooxda”.
“Kalsooni ayaan ku qabay in ay Arsenal ka badin doonto Tottenham laakiin markii aan arkay in ay Jesus iyo Nketiah ku dhibaatoodeen ciyaarta waxa aan dareemayaa wal-wal, uma malaynayo in ay fiican yihiin”.

Related



Source link