Milkiilaha kooxda chelsea ee Behdad Eghbali ayaa la arkay isaga oo ka cararaya taageerayaasha kooxda chelsea kadib guuldaradii kooxda chelsea ka soo gaadhay Aston Villa.
Behdad Eghbali Ayaa chelsea la iibsaday Todd Boehly waxana la sheegayaa in uu soo galay qolka Labiska Chelsea si uu xiddigaha kooxda kala hadlo qaab ciyaareedka Liita ee kooxda.
Ciyaarta kadib waxa la helay muuqaal baraha bulshada oo muujinaya Milkiilaha chelsea oo ka ordaya taageerayaal chelsea oo xanaaqsan.
Behdad Eghbali ayaa la arkay isaga oo ku cararaya baabuurkiisa isla markaas ay caawinayaan ciidamadiisa ilaalada ee u khaaska ah.
Kooxda chelsea ayaa la kulantay guuldaradii 3-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan horyaalka premier League
Related