Sol Campbell ayaa ku digtay xiddiga kooxda Arsenal ee Jorginho ka dib markii Gunners ay barbaro 2-2 ah la gashay Tottenham derby axada waqooyiga London.
Xiddiga reer Italy ayaa badal lagu soo galiyay qaybtii dambe ee ciyaarta iyada oo lagu badalay Declan Rice kaas oo dhaawac ka soo gaadhay.
Goolka 2-aad ee ay Tottenham dhalisay ayaa ka yimid khalad ka dhacay Xiddiga Jorginho kaas oo laga dafay kubadii laga dhaliyay goolka bar-baraha.
Daaficii hore ee Campbell, oo u soo ciyaaray labada kooxood ee Arsenal iyo Spurs, ayaa dhaleeceeyay Jorginho falanqayntiisa ciyaarta kadib.
“Ma ciyaarayo ciyaartiisa,’ Campbell ayaa ka yiri qaladkii Jorginho kaas oo u horseeday Tottenham goolkii labaad.
“Waxa uu inta badan si deg-deg ah u dhaqaajiyaa kubada waana ciyaartiisa, waxa uu fursad u haystay in uu u baaso Ben White”.
Related