Kooxda reer England ee Liverpool ayaa ku dhawaaqday inay cusbooneysiisay qandaraaskii ay kula jirtay difaaceeda Kostas Tsimikas iyada oo xiddiga ka saxiixatay heshiis dhan ilaa 2027.
Daafaca bidix ayaa ka mid ahaa xiddigaha kooxda Liverpool ku tiirsantahay intii uu joogay isaga oo ciyaaray kulamo muhiim ah inkasta oo uuna si joogto ah ugu ciyaarin kooxda.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkaan joogo oo aan cusbooneysiiyo qandaraaskeyga, waxa aan dareemayaa in shaqadii aan soo qabtay ayna cidlo ku bixin”.
Ciyaaryahanka ayaa intaa ku daray “Tani waxa ay iga dhigeysaa mid aad ugu dhiirada in aan horumar sameeyo waxana aan doonayaa in aan ka qayb ahaado kooxda.
 

Related



Source link