Halyeeyga kooxda Arsenal ee Ian Wright ayaa qirtay in Eddie Nketiah uu nasiib u yeeshay in uu ka fogaado in kaadhka cas loo taago qaladkii uu ku galay Guglielmo Vicario intii lagu jiray kulankii waqooyiga London.
Gunners ayaa barbaro 2-2 ah ku gashay Emirates Axadii kulan ay la ciyaareen kooxda Tottenham.
Laakiin kooxda Arteta ayaa Nasiib fiican ku lahaa in ay ciyaarta ku dhamaystaan 11 xiddig iyada oo Nketiah uu ka badbaaday kaadh cas kadib khalad uu ku galay Goolhayaha Tottenham.
“Waxaan u maleynayaa in uu Nasiib u yeesho in uuna kaadh qaadan”ayuu Wright u sheegay Match of The Day.
Xiddiga reer England ayaa ku bilowday shaxdiisa isaga oo khasaariyay fursado badan oo kulanka ah.

Related



Source link