Arturo Vidal ayaa si xun u weeraray Erik ten Hag isaga oo sheegay in tababaraha Man United uu isagu isku buuray dhibaato markii uu go’aansaday markii uu kooxda ka diray Cristiano Ronaldo.
Ten Hag ayaa la kulamaya dhaleecayn xoogan sabab la xidhiidha qaab ciyaareedka xun ee ay ku bilaabatay kooxdu.
Man United ayaa iska fasaxday xiddiga reer Portugal kadib markii uu xiddigu qarxiyay siro badan oo ku saabsan kooxda.
Xiddiga 38 jirka ah ayaa 24 gool u dhaliyay Man United xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee uu ku soo laabtay United waxana uu Vidal sheegay in uu Ten Hag sameeyay khalad weyn markii uu xiddiga reer Portugal u ogolaaday in uu ka tago kooxda.
“Waxa ugu xun ayaa ah inay u sacab tumeen Ten Hag markii uu kooxda ka caydhiyay Cristiano Ronaldo”ayuu Vidal yidhi.
“Ten Hag waxa uu sameeyay khalad weyn, sidee ayaad ugu ogolaanaysaa in uu Cristiano Ronaldo ka tago kooxda, taas waa sababta ay dhibaatadu ugu abuurantay kooxda markii uu ka tagay kooxda”.
Related