Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay guuldaradii 3-1 ahayd ee ay kooxdiisu kala kulantay kooxda Atletico Madrid kulan ka Tirsanaa tartanka La Liga.
Rojoblancos ayaa 3/1 kaga badisay kooxda Real Madrid kulan ka dhacay garoonka Metropolitano waxana goolasha u dhaliyay Alvaro Morata (laba gool) iyo Antoine Griezmann (1), halka goolka kaliya ee Merengue uu dhaliyay Toni Kroos.
Ancelotti oo la hadlaya Marca ayaa yidhi”“Umaanaan bilaaban ciyaarta si fiican, si fiicana umaanu difaacin, waxa aan ahayn kuwo diciif ah marka aan joogno qaybteena garoonka”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Atletico Madrid si fiican ayay u difaacdeen waxana ay ciyaareen weeraro rogaal celis ah sidaas darteed ayay ugu ciyaareen si fiican”.
Kooxda Real Madrid ayaa la kulantay guuldaradii ugu horaysay ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Related



Source link