Martin Keown ayaa amaan kala dul dhacay weeraryahanka Manchester City Julian Alvarez waxaana uu barbardhigay weeraryahanka qaab ciyaareedka fiican ku jira Halyeeyga Arsenal ee Dennis Bergkamp.
Xiddiga koobka adduunka ku guulaystay ayaa u muuqda mid soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan isaga oo Man City ilowsiiyay maqnaanshaha Kevin De Bruyne.
Xiddiga oo ka ciyaara No.10 kana dambeeya Haaland ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo Man City ka caawiyay in ay dhamaan wada badiso kulamada ay ciyaartay ilaa haatan.
“Ma aysan tebin De Bruyne, taas ayaana mahad weyn u ah isaga. Waa caqligiisa iyo sida uu u muujiyay awoodiisa.
“Mar walba waxa uu raadinayaa boos waxana uu mar walba diyaar u yahay in uu ordo”.
|Waxan u malaynayaa in uu ilowsiiyay De Bruyne waliba mararka qaar waxa uu kaga fiican yahay in uu ka ciyaari karo boosaksa weerarka”.
“Wuxuu i xasuusinayaa Dennis Bergkamp sababtoo ah waxa uu ku soo bilowday weeraryahan”

Related



Source link