Arsenal ayaa maanta la ciyaari doonta kooxda Tottenham kulan wayn oo ka tirsan waqooyiga London waana kulan xiiso gaar ah leh marka la eego qaab ciyaareedka labada kooxood.
Gunners ayaa kulanka galaysa iyaga oo kalsooni qaba kadib markii ay si fiican ku bilowdeen xilli ciyaareedka sidoo kale Tottenham ayaa si fiican u ciyaaraysa ixlli ciyaareedkan.
Si kasta ha ahaatee Tim Sherwood ayaa qirtay in kooxdiisii ay tahay in ay ka wal-walto Martin Odegaard.
Isagoo ka hadlayay ciyaartoyda ugu fiican Arsenal ee Sky, Sherwood ayaa sheegay dhawr halis ku ah Tottenham ka hor kulanka.
Sherwood ayaa u sheegay Tottenham in ay mar walba si dhaw ula socoto xiddiga Odegaard.
“Waa xiddig cajiib ah, waxa uu dhalinayaa goolal sidoo kale waxa uu samayn karaa caawin”ayuu yidhi.
“Waxan u malaynayaa in uu yahay riyada Tababare kasta, wax dhibaato ah kuguma keenayo waan hubaa taas, waxa uu dhibaato ku noqon doonaa Tottenham”

Related



Source link