Gary Neville ayaa ku wareeray xiddiga Arsenal Eddie Nketiah ka dib markii uu ku guuldareystay inuu ka faa’ideysto fursad dahabi ah kulankii North London Derby.
Weeraryahanka ayaa ku fashilmay in uu dhamaystiro fursad uu helay kadib markii koorne ay tuuratay kooxda Arsenal kulankii North London Derby.
Xiddiga Nketiah ayaa fursad fiican oo uu 3/2 kaga dhigi karo ciyaarta helay kadib xilli ay kooxdiisu heshay koorne fiican
Neville ayaa u sheegay Sky Sports: “Nketiah waxay ahayd in uu joogo booska munaasibka ah, muxuu u joogi waayay”.
“Fursadaas waxa aan ku xasuustay Wright kaas oo joogi jiray booska ugu fiican”.
 

Related



Source link